Buuggan wuxuu soo bandhigayaa taariikhdii nolosha iyo dhaxalka suugaaneed ee AUN Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar ( 1950-2024), oo ka mid ahaa fanaaniintii ugu caansanaa kooxda Heegan ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed - gabyaa, heesaa, jilaa iyo majaajiliiste. Wuxuu ka kooban yahay in ka badan 50 shaqo - gabayo & heeso - oo badankood aan hore loo daabicin, laga soo duubay ilaa 44 cajalad muusik oo qadiimi ah. Suugaantiisu waxay ka hadlaysaa qabyaaladda, midnimada, xuquuqda bini'aadmiga, jaceylka iyo waddaniyadda. Wuxuu ku xardhan yahay xasuustii xabsigii uu la kulmay 1983kii, halgankiisii ka dhanka ahaa qabyaaladda iyo nidaamkii "4.5," iyo geeridiisii 2024kii oo ku dhacday weerar Muqdisho ka dhacay. Waxaa soo ururiyay Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban," taariikh nololeedkana qoray wariye C/qaadir Max'ed Faarax "Dulyar."C/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "SooyaaC/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil"; iyo kuwo kale. Waa aasaasaha, agaasimaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Xildhiban Publications. Hadda wuxuu ku nool yahay, isaga iyo qoyskiisa Ingiriiska.
Prijshistorie
* Prijshistorie bevat geen data van Amazon Marketplace, Amazon.
Prijzen voor het laatst bijgewerkt op: