Diiwaanka Gabayada Cabdulle Raage Taraawiil: 2

Prijzen vanaf
14,00

Uitgelicht

Beschrijving

Bol Diiwaankan wuxuu ururiyaa gabayadii, guurowgii, geeraarradii iyo qeybo ka mid ah riwaayaddii caanka ahayd ee "Shabeel Naagood" oo uu qoray Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil (1934-2000), oo ka mid ahaa fanaaniintii Kooxda Waaberi ee Idaacadda Muqdisho, kuna caan baxay door-ciyaarkiisii "Shabeel" ee riwaayadda Xasan Sheekh Muumin. Buuggu wuxuu bixiyaa taariikh faahfaahsan oo ku saabsan nolosha abwaanka - dhalashadiisii Galguduud, xirfaddiisii fanka, xilligiisii Guddoomiyaha Fanka ee Waqooyiga, iyo xabsigii uu la kulmay 1980kii ka dib markii uu gabayo ka tiriyay dowladdii Siyaad Barre. Waxaa kale oo ku jira gabayo taabanaya dhaqanka, diinta, waddaniyadda iyo xaqa bini'aadmiga. Waxaa soo ururiyay Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban," Hordhacna qoray Dr. Martin Orwin (SOAS, University of London).C/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "SooyaaC/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil"; iyo kuwo kale. Waa aasaasaha, agaasimaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Xildhiban Publications. Hadda wuxuu ku nool yahay, isaga iyo qoyskiisa Ingiriiska.

Vergelijk aanbieders (1)

Sorteren op:

€ 14,00 € 2,99 verzendkosten Totaal € 16,99

Beschrijving (1)

Diiwaankan wuxuu ururiyaa gabayadii, guurowgii, geeraarradii iyo qeybo ka mid ah riwaayaddii caanka ahayd ee "Shabeel Naagood" oo uu qoray Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil (1934-2000), oo ka mid ahaa fanaaniintii Kooxda Waaberi ee Idaacadda Muqdisho, kuna caan baxay door-ciyaarkiisii "Shabeel" ee riwaayadda Xasan Sheekh Muumin. Buuggu wuxuu bixiyaa taariikh faahfaahsan oo ku saabsan nolosha abwaanka - dhalashadiisii Galguduud, xirfaddiisii fanka, xilligiisii Guddoomiyaha Fanka ee Waqooyiga, iyo xabsigii uu la kulmay 1980kii ka dib markii uu gabayo ka tiriyay dowladdii Siyaad Barre. Waxaa kale oo ku jira gabayo taabanaya dhaqanka, diinta, waddaniyadda iyo xaqa bini'aadmiga. Waxaa soo ururiyay Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban," Hordhacna qoray Dr. Martin Orwin (SOAS, University of London).C/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "SooyaaC/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil"; iyo kuwo kale. Waa aasaasaha, agaasimaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Xildhiban Publications. Hadda wuxuu ku nool yahay, isaga iyo qoyskiisa Ingiriiska.


Productspecificaties

EAN
  • 9781915872999
Maat


Prijshistorie

Prijzen voor het laatst bijgewerkt op:

Uitgelichte Keuze
14,00
Naar shop