Buuggan wuxuu xusayaa nolol-maalmeedka, suugaanta iyo dhaxalka Abwaan Maxamed Cali Kaariye (1941-1995), oo loogu yeeri jiray "Dhaqtarkii Jaceylka" - mid ka mid ahaa hal-abuurayaashii ugu waaweynaa ee kooxda Waaberi, kooxdii hobollada Qaranka ee la aasaasay 1971dii. Wuxuu ka kooban yahay in ka badan 40 shaqo oo aan hore loo daabicin, laga soo duubay ilaa 40 cajalad muusik oo qadiimi ah, oo ay ka mid yihiin heeso jaceyl, gabayo waddani ah, iyo taariikh nololeedkiisa - oo ay ku jirto sheekadii jaceylka caanka ahayd ee dhexmartay isaga & fannaanad Shankaroon Axmed Yuusuf "Sagal". Wuxuu ku dhashay degmada Garbo ee gobolka Nogob (Soomaali Galbeed), wuxuuna ku geeriyooday Nairobi, Kenya, 1995kii. Waxaa soo ururiyay Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban," qeybtana ka qortay Khadiijo Foodeey Nuur, xubin ka tirsan kooxda Waaberi.C/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "SooyaaC/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil"; iyo kuwo kale. Waa aasaasaha, agaasimaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Xildhiban Publications. Hadda wuxuu ku nool yahay, isaga iyo qoyskiisa Ingiriiska.
Prijshistorie
* Prijshistorie bevat geen data van Amazon.
Prijzen voor het laatst bijgewerkt op: