Gari ma kaa baxdaa - Mugga 1aad Heesihii Singub, waa buug lagu ururiyey qayb ka mid ah heesihii Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise "Singub", oo ka mid ahaa hal-abuurayaashii waaweynaa ee suugaanta, fanka iyo masraxa Soomaaliyeed.Buuggu wuxuu akhristaha u soo bandhigayaa qaybo ka mid ah hal-abuurkii Abwaan ee Singub 8 riwaayadood heesahooda, isaga oo sidoo kale iftiiminaya duruufihii, dhacdooyinkii iyo waayihii ku xeernaa curinta heesahaas. Waxa uu akhristaha ka caawinayaa inuu fahmo macnaha, farriimaha iyo raadkii ay ruwaayadahaas heesahoodu ku yeesheen fanka iyo bulshada Soomaaliyeed.Singub ma ahayn oo keliya abwaan curiya heeso iyo riwaayado, laakiin wuxuu ahaa jilaa, heesaa, soo saare iyo maamule faneed oo door weyn ka qaatay kobcinta iyo horumarinta fanka Soomaaliyeed. Hal-abuurkiisu wuxuu taabanayay jacaylka, waddaniyadda, dhaqanka, arrimaha bulshada iyo waayaha nololeed ee Soomaalida.Gari ma kaa baxdaa - Heesihii Singub, Mugga 1aad waa billowga taxane loogu talagalay ururinta iyo kaydinta heesihii iyo dhaxalkii faneed ee Abwaan Singub, si ay uga faa'iidaystaan jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.Buuggan waxaa qoray oo ururiyey Mohamed-Deeq Abdi-Madar "Haldhaa".
Prijshistorie
* Prijshistorie bevat geen data van Amazon, Amazon Marketplace.
Prijzen voor het laatst bijgewerkt op: